Home » Horyaalada » La Liga Spain » Messi Iyo Suarez Oo Barcelona Ka Caawiyeen Inay Cagta Mariyaan Sevilla

Messi Iyo Suarez Oo Barcelona Ka Caawiyeen Inay Cagta Mariyaan Sevilla

Lionel Messi ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay halka Luis Suarez gool ka dhaliyay sidoo kalena gool kale caawiyay cayaar kooxda Barcelona 3-0 ku xaaqday naadiga Sevilla cayaar ka tirsaneyn La Ligaha Spain.

Tababare Luis Enrique kooxdiisa guusha ay gaartay waxay ka dhigan tahay inay si ku meel gaar ah hogaanka La Ligaha hal dhibic kaga qabteen naadiga Real Madrid oo labo kulan baaqi u ah.

Barcelona ayaa qaybtii hore ee cayaarta dhamaan sedexda gool la timid waxaana gool ku daah furay Luis Suarez daqiiqadii 25-aad.

Barcelona culeeska ka dagay awgeed waxay la timid goolkii labaad daqiiqadii 28-aad waxaana cayaarta 2-0 ka dhigay Lionel Messi sidoo kalena kubada Suarez ayaa caawinaad ka geestay.

Messi bandhigiisa ayuu sii watay wuxuuna dhaliyay goolkiisii labaad cayaartana 3-0 ayuu ka dhigay daqiiqadii 33-aad taasi oo xili hore xaqiijisay in Barcelona kulan adag sedex dhibcood ka helaan.

Sevilla waa koox dhibane u ah Lionel Messi madaama uu haatan 29-gool ka dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena waxay noqotay Sevilla naadiga goolasha ugu badan Messi ka dhaliyay.

Kooxda Sevilla qaybtii labaad ee cayaarta isbadal lama imaanin waxaana dhamaadkii kulankaan casaan ka qaatay cayaaryahan Vitollo.

Qaybtii labaad ee cayaarta waxba iskama badalin natiijo ahaan waxayna Barcelona guusha ku qaadatay 3-0 cayaar garoonka Camp Nou ka dhacday.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *