Home » Europe » Messi “Ma Jiro Wax Iga Galay Dhaleeceeynta”

Messi “Ma Jiro Wax Iga Galay Dhaleeceeynta”

xidiga kooxda Barcelona ayaa sheegay in aysan wax ka galin dhaleecenta loo soo ejedinayo ee ku aadan Argentina.

Messi ayaa ku raaxeysanaya masraxa uu kusoo bar baaray ee Camp Nou balse wuxuu ku guuleystay in uu xulkiisa wax badan u qabto kaasoo ganaax dusha loo suray ka dib markii lagu eedeeyay in uu garsooraha afka la galay.

markii dib loo maleecsado waayihiisa 2008-dii wuxuu ku guuleystay bilada Olympic gold si kastaba wuxuu Argentina la yimid kama danbeyska koobka aduunka sanadii 2014-kii sidoo kale wuxuu labo jeeray imaaday kama danbeyska 2015, 2016-kii Copa America wuxuuna ugu danbeyn ku dhawaaqay inuu isaga fadhiistay ciyaarista xulka Argentina inkastoo uu dib uga laaabtay go’aankiisa.

29-sano jirkan ayaa mowdiiciisa noqday in aysan wax ka galin dhaleeceentiisa kaasoo afar kulan laga ganaaxay in uu ciyaaro xulka qaran Argentina ka dib markii uu garsooraha labaad ee ciyaarta ay is hadal dhaafeen bishii lasoo dhaafay.

Lionel Messi Argentina

“dhaleeceenta igu aadan waan arkay balse ma jiraan wax iga quseeya sababtoo ah waan ogsoonahay waxaa dhacay” ayuu  yiri Messi.

“waan fahansanahay dad weynaha waxaa ay doonayaan in aan guleysto had iyo jeer ama aan hanto koobab kala duwan, balse dadkaasi dad ka mid ah waxaa ay doonayaan in aan xulka la qaado koobab kala duwamn”

“bilada Olympic gold ee sanandii 2008-da waxa ay ahayd mid qiimo weyn leh sababtoo ah koobabka waa kuwa kaliya sumcadaada kor u qaadi kara hoosna u dhigi kara waana mid aad had iyo jeer aad ku hayn weyntaahy”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *