Home » Europe » Messi Oo Sameeyay Rikoor Ay Dhif Tahay In Laga Jabiyo Kulankii Ay Axaddii Barcelona Kaga Adkaatay Valencia.

Messi Oo Sameeyay Rikoor Ay Dhif Tahay In Laga Jabiyo Kulankii Ay Axaddii Barcelona Kaga Adkaatay Valencia.

 

Guushii Barcelona ay ka gaartay habeenkii axadda kooxda Valencia ayuu ka sameeyay rikoor kale oo cajiib ah, kadib markii uu dhaliyay labaalaydiisii 100-aad ee uu kooxda u dhaliyo.

 

Messi ayaa rikoorkan sameenaya asagoon xataa aan gaarin da’da 30-ka sano, ayaado uu soddon jirsan doono bisha June ee soo socota.

 

 

 

Sevillia ayaa ah kooxda ugu badan ee uu ka dhaliyo labaaleey xidigan reer Argentine, asagoo ka dhaliyay laba gool hal ciyaar lix kulan, halka  Atletico uu ku sameeyay sidan oo kale afar jeer.

 

Hadaba sidee ayuu Messi u kala dhaliyay labaalaydiisa boqolka ah, 70 kamid ah waxa uu ka dhaliyay LALiga, 19 oo Champions League ah, 8 Copa del Rey  iyo min hal jeer oo uu ka dhaliyay koobabka UEFA Super Cup, Supercopa de Espana iyo Club World Cup.

 

Messi, labadii gool oo uu ka dhaliyay Valencia ayaa ahaa bandhigiisii ugu fiicnaa kadib asagoon wax saameen ah ku yeelan ciyaartii ay Barcelona guul darada kala kulantay Depertivo La Coruna.

 

Goolasha uu ka dhaliyay LALiga ayaa ah 25-gool asagoona isha ku haya ku guulaysiga abaal marinta kabaha dahabka ah ee Europe iyo Pichichi oo ah abaal marinta la gudoonsiiyo xidiga goolasha ugu badan ka dhaliya horyaalka LALiga.

 

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *