Home » Europe » Mesut Ozil Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal, Kana Laabtay Hadal Kasoo Yeeray Bishii January.

Mesut Ozil Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal, Kana Laabtay Hadal Kasoo Yeeray Bishii January.

 

Mesut Ozil ayaa ka falceliyay wararkii ku saabsanaa mustaqbalkiisa, asagoo sheegay in Arsene Wenger uusan wax qayb ah kacayaareen xaaladda qandaraaskiisa.

 

Xidigan heerka caalami ee reer Germany ayaa sheegay bishii January inuusan qalinka iyo warqadda isku dul saari doonin qandaraas cusub oo uu saxiixo  haddii macallinka waqtiga dheer joogay Arsenal ee Wenger uu isaga dhaqaaqo kooxda.

Mesut Ozil looks relaxed on the bench during the Champions League game between Arsenal and Bayern Munich on March 7, 2017

 

Ozil fikiradahiisa ayaa loo arkayay kuwa kalsooni siinaya macallinka Gunners  ee aan salkiisu uusan fadhin waqtigan, laakiin Ozil ayaa dib u laabtay asagoona caddeeyay “In wax walba ay furanyihiin”uusanna mustaqbalka ninka France uusan ka uusan ka turjumeen kiisa.

 

“Wax walba way furanyihiin. Waxaan wada hadallo la leenahay Arsenal. Waqti xaadirkan waxaan xoogga saarayaa xilli ciyaareedkan socda.,” ayuu u sheegay Bild.”Arsene Wenger waa mid kamid ah sababihii ugu waynaa ee aan ugu oo biiray Arsenal.

 

“Laakiin waan ogahay in waqtiyada qaar waxyaabaha kubadda cagtu aad bay uu dag-dagayaan kuwaas oo aadan waxba qorsheen Karin, taasina waa sababta ay khalad u tahay inaan iraahdo mustaqbalkaygu wuxa uu ku xiranyahay tababarahayga.

 

Ozil. Ayaa dib ugu soo laabtay Arsenal isbuucaan asagoo waqtiyadii dhawaa ku maqnaa xanuun, asagoo dhaliyay 9-gool caawaiyayna 7-kale kadib 31 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *