Home » Maxaa Cusub » Mino Riola Oo Soo Gaaray Hotel-ka Man United Ee Lowry Hotel Xilli Romelu Lukaku Lala Xiriirinayo Red Devils.

Mino Riola Oo Soo Gaaray Hotel-ka Man United Ee Lowry Hotel Xilli Romelu Lukaku Lala Xiriirinayo Red Devils.

Mino Raiola ayaa lagu arkay banaanka markii ugu horeysay tan iyo markii uu Romelu Lukaku gaashaanka u daruuray wararka sheegaya inuu heshiis cusub u saxiixayo Everton, waxaana wakiilkaan lgu sawiray isagoo sii galaya hotel-ka Manchester United ee Lowry Hotel.

Inkastoo uu iska diiday inuu ka hadlo arimaha la xiriira mustaqbalka Lukaku e Goodison Park, hadana waxaa jirtay in Mino Riola uu goor horeysay sii shaaciyay in 99.9% uu heshiis cusub saxiixi doono Lukaku.

Si kastaba waxaa la filayay in Lukaku uu noqdo xiddiga ugu mushaarka badan taariikhda Everton madama loo soo bandhigay mushaar ka badan 100,000 kun oo Pound, balse galabnimadii talaadada ayuu iska diiday sida lagu soo waramay.

Wakiilkaan reer Holland ayaa soo (Taxi) kusoo gaaray Hotelka, waxaana kaamiirooyinka qabteen isagoo sii galaya Hotelka halkaas oo ay ku sugan yahiin ciyaartoyda Manchester United iyo tababarahooda Jose Mourinho ka hor kulanka ay caawa la leeyahiin Rostov – lugta labaad ee wareega 16-ka koobka UEFA Europa League.

Riola waa wakiilka Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan wuxuuna si joogto ah ula xiriiraa xidigaha uu wakiilka u yahay si uu u hubsado in loo fuliyay waxey u baahnaayeen.

Miyuu Mino Riola U Yimid Arrimaha Lukaku ee Old Trafford?

Lama oga waxa rasmiga ah ee Mino Riola keenay Manchester, balse waxaa jirta nux-nuxleyn ah in ninkaan uu damacsan yahay inuu soo afjaro arimaha xidiga reer Belgium ee mustaqbalkiisa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *