Home » Europe » Miyay Chelsea u ciqaabi doontaa Antonio Conte sida uu ula dhaqmay Diego Costa?

Miyay Chelsea u ciqaabi doontaa Antonio Conte sida uu ula dhaqmay Diego Costa?

 

Chelsea ayaan ku ciqaabi doonin Antonio Conte sida uu ula dhaqmay Diego Costa, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Italy.

Chelsea ayaa u muuqata mid iska iibineysa Costa xagaagan, ka dib markii ay isku dhaceen tababaraha kooxda Conte.

Macalinka Italy ayaa u sheegay ciyaaryahanka inuusan ka qeyb aheyn qorshaha xilli ciyaareedka soo socda uu ku duulaan tagayo, kadib markii uu ka helay fariimo sir ah.

Conte ayaa helay macluumaad ku aadan in ciyaaryahanka uu heshiis la gaaray koox cusub si uu ugu biiro xili ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Spain ayaa la filayay inuu dib ugu laabto kooxda Atletico Madrid, laakiin ganaaxa suuqa kala iibsiga ka saran oo sii socan doona ilaa iyo 2018 ayaa caqabad ku noqday.

Idaacad Talyaaniga ee Premium Sport ayaa sheegeysa in Conte uu ka badbaaday ciqaabta maamulka Chelsea, madaama uu si adag ula dhamay weeraryahanka reer Spain.

Conte ayaa isha ku haya tiro ka mid ah ciyaartoyda Serie A inuu usoo dhaqaajiyo kooxda Chelsea oo dib ugu soo laabtay tartanka Champions League.

Idaacada Sport Premium aya hoosta ka xariiqday in Leonardo Bonucci iyo Alex Sandro ay kujiraan liiska xiddigaha Bules kaga imaanaya Serie A.

Lorenzo Insigne wakiilkiisa Della Monica ayaa sidookale la sheegay inuu la kulmay tababaraha kooxda Chelsea toddobaadkaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *