Home » Horyaalada » Miyuu Baaqi Kusii Ahaandoonaa Antonio Conte Kooxda Chelsea Markii Uu Idlaado Xili Ciyaareydkan?

Miyuu Baaqi Kusii Ahaandoonaa Antonio Conte Kooxda Chelsea Markii Uu Idlaado Xili Ciyaareydkan?

Leeliyaha Kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa ku raji weyn in uu watqi dheer ku sugnaado Ggegada Stamford Bridge ee Galbeedka London kaasoo xili ciyaareydkiisa ugu horeeyay hogaanka u hayya horyaalka premier league.

Macalinkii hore kooxda Juventus ayaa aqbalaay seddex sano oo heshiis ah bisha April sidoo kale 12-bilood hogaaminaya kooxda kaasoo guulo wanaagsan la gaaray kooxda.

Waxaa ay ku hogaamianayan todobo dhibcood oo ay kaga horeeyaan kooxda Kaalinta labaad ee Tottenham xili ay maanta la ciyaari doonaan kooxda Manchester United waana kulanka ay ku xaqiijin karaan in ay ku guuleysan karaan horyaalka premier league waa hadii ay ka adkaadaan.

Inter ayaa qorshaha ku darsanaysa sida ay dib ugu soo celin laheyd horyaalka dalka talyaaniga ee Serian waxaana xusid  mudan Conte in uu ku jiro macalimiinta dunida ugu wanaagsan xili ciyaareydkan kaasoo shax cusub kusoo kordhiyay horyaalka Premier league.

Si kastaba 47-sano jirkan ayaa rajeynaya in uu waqti dheer ksuii sugnaado horyaalka premier league qaasatan kooxda Chelsea.

“waxaan rajeynayaa in aan waqti dheer kusii sugnado halkan” Conte ayaa sidaa Sky Sport ugu waramay.

“macalin nimada ma ahan shaqo aad u sahlan sidoo kale ma ahan mid natiijo weyn laga dhalin kara”

“waxaan rajeynayaa in aan gaaro guulo muhiim ah balse ma ahan wax walba. waxaan filayaa macalin walba ee nala shaqeya in uu ku faraxsanyahay halkan uuna kusii farxayo maalinba maalinka kasii danbeysa”.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *