Home » Horyaalada » La Liga Spain » Miyuu Diego Simeone Kasoo Muuqan Doonaa Kursiga Keydka Santiago Bernabeu? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Miyuu Diego Simeone Kasoo Muuqan Doonaa Kursiga Keydka Santiago Bernabeu? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa meesha ka saaray suuragalnimada ah inuu mustaqbalka qaban doono xilka tababaranimo ee kooxda Real Madrid mustaqbalka dhaw iyo midka fog intaba.

Simeone oo 46-jir ah ayaa la wareegay talada kooxda ka dhisan Vincent Calderon sanadkii 2011 wuxuuna kooxda ka dhigay mid dhinac walba ka diyaarsan, waxey ku guuleysteen koobka UEFA Europa League sidoo kale horyaalka La Liga hana iloobin iney laba jeer tiigsadeen finalka tartanka Champions League.

Macalinkaan reer Argentina haatan waa mid ka mid ah macalimiinta loogu jecel yahay kubadda cagta madama uu yahay mid dareenkiisa iyo xamaasadiisa wata, waxaana wax laga weydiiyay hadii uu mar tababari doono Real Madrid.

“Waligey ma tababari doono Real Madrid” Ayuu u sheegay Onda Cero

“Waa wax caqli gal ah dareen ahaan. iyaguna iima wixi doonaan sidoo kale”

“Waan yarahay, laga yaabee inaan hogaamiyo koox kale oo Spain ah”

Xidigii hore qaranka Argentina iyo kooxo badan oo qaaradda yurub ah ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay sida uu u jeclaan lahaa inuu mar maamulo qarankiisa.

“Mararka qaar, waan jeclaan lahaa inaan tababaro Argentina, balse waxaa qasab igu ah inaan tababare ahaan hormar u sameeyo”

“Waan jeclaan lahaa iney noqoto gabagabada waayaheyga tababaranimo”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *