Home » Europe » MIYUU XIFAALTANKII DHAMAADAY: Lionel Messi oo si aan looga baran u amaanay Cristiano Ronaldo

MIYUU XIFAALTANKII DHAMAADAY: Lionel Messi oo si aan looga baran u amaanay Cristiano Ronaldo

Lionel Messi ayaa amaanay tayada Cristiano Ronaldo ka dib markii xiddiga reer Portugal uu ka caawiyay Real Madrid inay difaacdaan tartanka Champions Legaue.

Ronaldo waxaa inta badan ay ku tartamaan Messi abaalmarinada shaqsi ee ugu weyn kubadda cagta, iyadoo weeraryahanka Madrid uu ku dhawyahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or markii shanaad.

xiddigii hore ee Manchester United ayaa helay amaanta ugu weyn markii ay kooxdiisa 4-1 kaga badisay finalkii Cardiff kooxda Juventus.

Image result for messi

Messi, in kastoo uu ku adkeystay tartan inuu u dhexeeyo wali labada shaqsi, hadda waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay awooda Ronaldo.

“tartanka waa mid wax badan saxaafadda ka hadashay, laakiin Ronaldo waa mid kamid ah ciyaartooyda awood leh ee kubadda cagta” ayuu Messi u sheegay Tencent Sports.

“Waxa aanu doonaynaa sanad kasta in aan noqono kuwa guuleysta muhiimada waa in aan ka hadalno waxa dhacaya ayuu hadalkiisa ku daray Lio.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah oo leh tayo badan, sannadba sannadka ka dambeeya wuxuu sameynayaa wax layaab leh, waa mid ka mid ah ciyaartooyda adduunka ugu fiican ayuu yiri Messi.

Ciyaartoyda Barcelona iyo Real Madrid loogama baran in midba kan kale uu amaano, laakiin Lionel Messi ayaa hadda qiray awooda Cristiano Ronaldo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *