Home » Maxaa Cusub » Miyuu Zlatan Ibrahimovic Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Liverpool Ee Horyaalka? Jose Mourinho Ayaa Ka Jawaabaya

Miyuu Zlatan Ibrahimovic Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Liverpool Ee Horyaalka? Jose Mourinho Ayaa Ka Jawaabaya

Tababare Jose Mourinho ayaa rajeynaya in Zlatan Ibrahimovic uu taam buuxa u noqdo isla markaana qeyb ka noqdo kulanka culus ee ay kooxdiisa Old Trafford kusoo dhaweyneyso Liverpool.

Ibrahimovic ayaan qeyb ka noqon kulankii ay kooxdiisa garaacday Hull City lugta koowaad ee Semi Finalka EFL Cup-ka, xiddiga reer Sweden ayaana xanuun ku seegay kulankaan inkastoo maqnaashahiisa aan la tabin madama Fellaini iyo Juan Mata ay kooxda samatabixiyeen.

Xidigii hore kooxaha Milan, PSG, Ajax, Barcelona, Inter Milan Iyo Juventus ayaa xagaagan si xor ah ku yimid Man United balse si lama filaan ah ayuu kaga soo hilaacay horyaalka Ingiriiska madama uu 13-gool dhaliyay sidoo kalana 18-gool ayuu dhaliyay 28-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan.

Inkastoo uu xanuun ku seegay kulanka Hull City, hadana Jose ayaa rajeynaya inuu Zlatan xaadiro kulanka Liverpool xilli wiilasha macalinka reer Portugal ay doonayaan iney soo yareeyaan farqiga shanta dhibcodo ee ay ka hooseyaan Reds.

“Xanuunka Zlatan wax dhibaato ah ma lahan, waxaan filayaa inuu fiican yahay” Ayuu Jose Mourinho u sheegay saxaafadda kadib dhamaadkii ciyaartii Hull City, sidoo kalana Jose ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay in Marcos Rojo uu shaki ku jiro inuu ciyaaro madama uu dhaawac muruqa ah.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *