Home » Horyaalada » Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Wararka Sheegaya Iney Alexis Sanchez Siin Doonaan Mushaar Dhan 300,000K Pound?

Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Wararka Sheegaya Iney Alexis Sanchez Siin Doonaan Mushaar Dhan 300,000K Pound?

Tababare Arsene Wenger ayaa diiday inuu xaqiijiyo iney Alexis Sanchez ka dalbadeen heshiis cusub oo ku kacaya 300,000 kun Pound todobaadkii, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in si waarta loo miisaamo ay tahay musharaadka.

Warbixino sheegaya in weeraryahanka reer Chile kaas oo qandaraaskiisa kooxda uu dhamaanayo dhamaadka xagaagan la siin doono fursad uu ku kordhisan karo daqliga soo gala mudadiisa garoonka Emirates Stadium.

Wenger kuma dhiiran inuu si cad u sheego, balse wuxuu sidoo kale bidhaamiyay sida ay muhiim u tahay in la miisaamo mushaaraadka.

“Ma xaqiijin karo inaan ka dalbanay taas” Ayuu yiri Wenger, “Waa inaan ka fakarnaa awoodeena dhaqaale si aan joogteyno mushaarka kooxda oo dhan”

“Waxa aan hubo ayaa ah in mushaarka aan bixino maanta isbuucii aan 20-sano ka hor bixin jirnay sanadkii”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *