Home » Horyaalada » Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yiri Kulanka Malaga Ee Ay Real Madrid Ku Qaadi Karto Horyaalka La Liga Axada?

Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yiri Kulanka Malaga Ee Ay Real Madrid Ku Qaadi Karto Horyaalka La Liga Axada?

Real Madrid ayaa qarka u saaran inay ku guuleystaan horyaalka La Liga maalinta ugu danbeysa ee xilli ciyaareedka ka dib markii ay 4-1 kaga badiyeen 10 ciyaaryahan oo Celta Vigo ah taasoo hubisay inay kaliya dhibic uga baahan yihiin kulanka Malaga si ay hanashada horyaalka u xaqiijistaan laakiin Cristiano Ronaldo ayaa doonaya dhamaan seddexda dhibcood ee kulankaas.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay labo gool waxaana uu seegay fursad weyn uu xalayto ku dhalin lahaa seddexleey, laakiin kooxdiisa ayaa durbaba diiradooda u weecisay kulanka Axada si ay ugu guuleystaan horyaalka La Liga markii ugu horeysay tan iyo 2012.

“Waxaan ku qasbaneyn inaan dadaalno ilaa iyo dhamaadkii, ciyaarta aad ayay u fiicneyd, waxaana u ciyaarnay si aad u fiican, laakiin waan ognahay in Malaga ay ku xoogan tahay gurigeeda. Waxaan halkaas u aadeynaa inaan soo badino” ayuu Ronaldo u sheegay suxufiyiinta ka dib ciyaarta.

“Waxaan halkaas u aadeynaa kaliya guul, ujeedadeena mar walba waa inaan guuleysano, waan ognahay inay fiican yihiin, laakiin waxaan nahay Real Madrid. Waxaan nahay kuwa ugu fiican, waxaan dooneynaa inaan noqono horyaalka.

“Real waxa ay kaliya ka fekereysaa Axada, finalka Champions League waxaan u heli doonaa waqti aan isagu diyaarino ka dib Axada. Goolasha ayaan furay, waxaana dhaliyay goolka labaad taas ayaana muhim aheyd. Wax caadi ah iima ahan inaan fursad qasaariyo laakiin waxaan ahay bani’aadam, waan qasaarin karaa.”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *