Home » Europe » Muxuu Ka Yiri Tababare Wenger wararka Sanchez la xiriirinaya Chelsea?

Muxuu Ka Yiri Tababare Wenger wararka Sanchez la xiriirinaya Chelsea?

Arsenal tababaraheeda Arsene Wenger ayaa sheegay in Alexis Sanchez uu ku “faraxsanyahay” Emirates, inkastoo lala xiriirinayay koxda ay London ku xifaaltamaan ee Chelsea.

 

Wararka ayaa sheegayay in Antonio Conte uu doonayo soo qaadasho geesinimo leh oo uu kusoo qaadanayo xidiga heerka caalami ee reer Chile daaqadda kala iibsiga ay dib u furanto xagaaga.

Alexis Sanchez reacts at the end of the Champions League game between Arsenal and PSG on November 23, 2016

Ciyaarayahanka nafsad ahaantiisa ayaa qayb ka ahaa wararka sheegaya inuu aadayo chelsea asagoona ku sheegay waraysi in uu doonayo  inuu burburiyo qandaraaska uu kula jiro Arsenal, kaas oo dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan, uuna u ciyaaro koox kadhisan London uu u guulaysan karta maskax ahaan.

 

Markii wax laga waydiiyay Wenger intii lagu guda jiray war saxaafadeedkiisa maanta oo khamiis ah, Wenger ayaa u muuqday mid aad ugu dabacsan xaaladda asagoona ku kaftamay in London ay joogto kaliya hal koox oo u qalanta in loo cayaaro.

 

“Marka loo hadlo dhanka wanaagga, kaliya London waxaa jira hal koox, sidaa darteed isagu waa uu faraxsanyahay,” ninka reer France ayaa sidaa u sheegay wariyayaasha. “ Mahayo wax badan oo aan intaa kudaro. Waxaan u malaynayaa in isagu uu ku faraxsanyahy halkan. Wali maanaan ballaarin qandaraaskiisa wali. Laakiin waan rajaynayaa inuu sii joogo kooxda.

 

“Waa inaad ahaataa mid dagan marka ay kaa waraysanayaan wadankoda. Fasiraadu badanaa masaxna. Ciyaarayahanadu waa inay la xifaaltamaan kooxaha kahor inta aanan iibin ciyaaryahanadeena ugu fiican, taasi ma aha xaalada in badan. Waxa uu haysta hal sano iyo bar qandaraas ah. Uma maleenayo inay Arsenal  ku tahay walaac dag dag ah.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *