Home » Maxaa Cusub » Muxuu Tababare Arsene Wenger Ka Yiri Guushii Ay Ka Gaareen West Ham Xalayto.

Muxuu Tababare Arsene Wenger Ka Yiri Guushii Ay Ka Gaareen West Ham Xalayto.

Tababare Arsene Wenger ayaa durba amaan balaaran dusha kaga tuuray wiilasha falaagada ah ee diidan wali iney heshiis cusub kooxda ugu kordhiyaan ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil kadib guushii West Ham.

Gunners waxey soo tiigsatay booska 5-aad ee horyaalka iyadoo leh 54-dhibcood kadib markii ay 3-0 ku dubteen kooxda ay magaalada London ku xifaaltamaan ee West Ham.

Ozil oo safanaya kulankiisii 150-aad ee Premier League ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal ka hor inta uusan gool ka caawin Theo Walcott, sidoo kalana Olivier Giroud ayaa dilay rajada Hammers kadib markii uu si cajiib leh u dhameystiray baas uu ka helay OX.

“West Ham si fiican ayey u difaactantay qeybtii hore, waxaana u baahneyn inaan xal u helno qeybta labaad” ayuu yiri Arsene.

“Ozil iyo Sanchez waa ciyaartoy muhiim ah, balse qof walba wax fiican ayuu sameeyay, ma dhihi kartid xidig ayaa qaab xun soo bandhigay”

“Waxaan ka baxnay xaalad dhib badan,┬ási dhaqso leh ayeyna ku socotaa kalsoonideena iyadoo usoo laabatay si tartiib ah”

“Waxaan ku jirnaa tartankii kama dambeysta ee Premier League, inaan joogteyno waa inoo muhiim”

Ugu dambeyntii Arsene Wenger ayaa rajeynaya in wiilashiisa aysan wax dhibco ah lumin kulamada ugu dambeeya ee horyaalka.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *