Home » Horyaalada » Natiijo: Red Devils Oo Guul Ka Gaartay Kooxda Bisadaha Mad Madoow Lagu Naaneeso Xili Ay Toban Ciyaaryahan Ay Ku Ciyaarayeen

Natiijo: Red Devils Oo Guul Ka Gaartay Kooxda Bisadaha Mad Madoow Lagu Naaneeso Xili Ay Toban Ciyaaryahan Ay Ku Ciyaarayeen

Red Devils ayaa guulesatay lix kulan horyaalka premier league halka labo kale ay bar baro gashay sideedii kulan u danbeyay ay ciaartay kooxda.

Sunderland ayaa lix jeer ku guuldareysatay lix kulan horyaalka premier league ay ku ciyaartay garoonkeeda Stadium Of light.

Manchester United ayaa lasoo shartagtay ciyaaryahano ay ka go’antahay in ay guuleystan kulanka ay Sunderland la ciyaarayaan iyadoo ay xusid mudantahay xidigo dhwar ah in kursiga keydka looga soo tagay.

Jose Mourinho  ayaa galabta kabtanka kooxda usoo magcaaway xidiga reer Belgium ee Falliani kaasoo ay taageerayaasaha United qaar aysanka helin qaabka ay u ciyaarayaan xidigan.

Safafka labada koox

Sunderland:

Pickford, Jones, Kone, Denayer, Oviedo , Cattermole , Ndong, Rodwell, Larsson, Defoe, Anichebe

Keydka:

Mannone, Djilobodji, Khazri, Pienaar, Gibson,Borini,Manquillo

Man United:

Romero, Darmian, Shaw, Rojo, Bailly, Fellaini, Herrera, Pogba, Lingard , Mkhitaryan , Ibrahimovic

Keydka:

Pereira, Tuanzebe, Fosu-Mensah, Carrick,Blind,Rashford,Martial

ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis xili xidigaha United si heer sare ah ay iskula jaan qaadayeen, inkastoo xidigaha kooxda Sunderland ay iska caabin aan dhameestir wanaagsan sameyneynin ay la imaanaysay.

Daqiiqadii 30-aad ee ciyaarata waxaa shabaqa soo taabtay Ibrahimovic kaasoo ay uga dhigneyd in goolkiisa sagaalaad sideed kulan horyaalka premier league in uu dhaliyay kaasoo meel ka baxsan garoonka manchester united kusoo dhalinayey goolashaasi.

qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 0-1 oo ay ku hogaaminayso kooxda martida ah ee Red Devils inkastoo ay xusid mudantahay xidiga lagu magacaawo Larson i uu kaara casaanka ka qaatay kooxda Sunderland daqiiqadii 43-aad .

markii dib lisugu soo laabtay waxaa ciyaarta is badal la timid kooxda Sunderland taasoo ay ku dooneysay in ay iska soo gudo goolka deenta ah ee looga hor maray inkastoo aysan gaarin shabaqa kooxda United.

Daqiiqadii 46-aad ee ciyaarta Mkhitaryan ayaa mar kale gool u dhaliyay koxoda United kaasoo ay ku qaadatay 45-il biriqsi waxaana xusid mudann in uusan taaban xidig ka mid ah xidigaha kooxda Sunderland ka horinta uu goolka dhalinin xidigan markii qeybta labaad lisku soo laabta, waxaana ay uga dhigantahay in 11-goal uu dhaliyay 23-kii kulan u danbeeyay dhamaan tartamda kooxda Manchester United.

Sidoo Kale Daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta waxaa shabaqa soo taabtay xidiga badalka ciyaarta kusoo galaya e Rashford kaasoo ay uga dhignayd inn uu goolkiisa ugu horeeyay horyaalka premier league tan iyo 24-Sep-2016, wuxuuna gool l’aan ahaa 20-kulan horyaalka premier league.

ugu danbeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 0-3 oo ay guusha ku raacday Red Devils waxeyna haatan leedahay 57-dhibcood 3-kii kulan ay ciyaartay horyaalka premier league.

 

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *