Home » Horyaalada » La Liga Spain » Neymar Jr Oo Qarka U Saaran Inuu Ganaax Ku Seego Kulanka El-Clasico & Sababta Ka Dambeysa.

Neymar Jr Oo Qarka U Saaran Inuu Ganaax Ku Seego Kulanka El-Clasico & Sababta Ka Dambeysa.

Neymar Junior ayaa gudoomay jaalihii labaad ee ciyaarta taasoo isu rogeysa [kaar cas] kulankii ay kooxdiisa 2-0 guuldaro ah kala kulantay Malaga, kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Balaugrana waxey booqatay La Rosaleda iyadoo ka warqabta in Real Madrid ay ku hor kuftay Atletico Madrid markaas oo kulankii Madrid uu ku dhamaaday barbaro 1-1, balse kama aysan faa’ideysan.

Neymar waxaa laga saaray ciyaarta qeybteedii labaad markii uu qalad xun ku galay ciyaariyahan Diego Llorente oo ka tirsan Malaga.

Wuxuu ahaa kaarkiisii ugu horeeyay ee casaan ah oo uu qaato kulan tartan ah isagoo xiran maaliyadda Barcelona kadib 181-kulan, wuxuuna casaankaas seejin doonaa kulanka Real Sociedad ee soo aadan.

Si kastaba arinka aadka looga walwal qabo waxey tahay inuu xidigaan la kulmo ganaax dheeraad ah kadib markii uu u sacab tumay garsoorka afaraad isagoo hadalo aan micnahooda wali la ogaan ku yiri xilli uu kusii socday Tunel-ka.

Hadii uu Neymar Junior ka badbaado in la ganaaxo, diyaar ayuu noqon doonaa El-Clasico.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *