Home » Maxaa Cusub » Neymar Junior Oo Lagula Taliyay Inuu Ku Biiro Man United Kana Hoos Baxo Lionel Messi – Waa Kuma La Taliyahiisa?

Neymar Junior Oo Lagula Taliyay Inuu Ku Biiro Man United Kana Hoos Baxo Lionel Messi – Waa Kuma La Taliyahiisa?

Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya dalka Spain – aabaha dhalay ciyaariyahanka reer Brazil Neymar Junior ayaa wiilkiisa u sheegay inuu ku biiro Manchester United sii uu kaga baxo hooska Lionel Messi.

25-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ah xidigaha loogu jecel yahay kubadda cagta ama lagu tilmaamo kuwa ugu maqaamka wanaagsan, balse waa inuu ka tago Barcelona si uu hooska Lionel Messi ee Barcelona uga baxo.

Neymar wuxuu sanadkii 2013 kusoo biiray Barcelona, balse wuxuu ku guuleystay koob walba oo ay u tartantay mudadiisa – laba (La Liga), Laba (Copa del Rey) koobka kooxaha Aduunka iyo sidoo kale Champions League.

Neymar xilli ciyaareed dhib badan ayuu ku qaadanayaa Camp Nou madama kooxdiisa ay qarka u saaran tahay ineysan koob weyn ku guuleysan madama Champions League laga soo reebay sidoo kalana ay gacmaha Real Madrid ku weyn karaan La Liga.

19-gool qura ayuu dhaliyay, balse waxey qarka u saaran yahiin iney Copa del Rey ku guuleystaan madama ay final-ka la joogaan Deportivo Alaves.

Sida ay ku warameyso Diario Gol, Neymar Santos Sr ayaa aaminsan in wiilkiisa ay tahay inuu ka tago garoonka Camp Nou.

Inuu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho waxey kaga dhignaan doontaa inuu tagay koox weyn, inuu ka baxay hooskii Messi iyo inuu ku guuleysan karo koobab waaweyn si uu u muujiyo inuu yahay xidig tayo sare leh.

Balse Jose Mourinho ayaa hoos u dhigay dhawaan fursadda ay kooxdiisa u heysato saxiixa Neymar Junior.

“Koox sida Barcelona oo kale ah ma awoodo mana lumin doonto xidig sida Neymar ah” Ayuu yiri Jose Mourinho bishii February ee kal hore.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *