Home » Horyaalada » Neymar Oo Ka Hadlay In Lala Barbardhigo Messi Iyo Ronaldo.

Neymar Oo Ka Hadlay In Lala Barbardhigo Messi Iyo Ronaldo.

25 jirkan ayaa ka hadlay dadka isaga la barbardhiga laba xidig ee Dinida iminka ugu wanaagsan ee kala ah Leonel Messi iyo Cristiano Ronaldo waxa uuna ku tilmaamay inay ka badbadis tahay arintaas.
Neymar ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneeyn hadalada isaga lagula barbardhigaayo inuu la mid yahay amaba ka wanaagsan yahay laacibiinta waqtigan ugu sareeya kubada cagta caalamka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kabtanka xulka Brazil ayaa ku tilmaaamy arinkaan anuu yahay mid waxba kama jiraan aha ama uu yahay hadal la iska yiri.
Xidiga kooxda Barcelona Messi iyo Laacibka kooxda Real Madrid Ronaldo ayaa ah laba xidig ee ugu sareeya kubada cagta sagaalkii sano ee lasoo dhaafay iyagoona heysata abaalmarinta Ballon d’Or.
Neymar ayaa ayaa ka galay kalinta sedexaad abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 2015 isagoon asedexley koobab ah kula guuleystay kooxda Barcelona ayaawaxa jira dad qaba aragtida ah inuu Neymar ka wanaagsan yahay xidaha kala ah Messi iyo Ronaldo.
“Tani waa hal arin dhab ahaantiina kuma faraxsani ina ka hadlo. Ma jicli taa xaqiiqdii, “ ayuu yiri Neymar.
“Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waa labo xidig oo waa weyn kuwasoo ugu sareeyey kubada cagta tobankii sano ee lasoo dhaafay lehna farsamo aad u sareysa. Iyagu waa labo laacib oo aan qadariyo labadood mid ka mid ahna aan la shaqeeyo oo aan mar walba iska garab ciyaarno.
Ugu danbeyntiina Neymar ayaa hadalkiisa kusoo xiray inuu u ciyaaro si waangsan nafsadiisa aana lala barbardhigin Messi iyo Ronaldo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *