Home » Horyaalada » N’Golo Kante Oo U Dabaaldegay Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Xalay Kooxda Leicester City Ka Gaartay Sevilla Isagoo Ku Sugnaa Garoonka King Power Stadium.

N’Golo Kante Oo U Dabaaldegay Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Xalay Kooxda Leicester City Ka Gaartay Sevilla Isagoo Ku Sugnaa Garoonka King Power Stadium.

Waxa uu qaab ciyaareed uu ku qaatay xiddiga garoonka uu kala hortagay Manchester United 24 saacadood ka hor kulankii xalayto ee Champions League.

Laakiin ma jirin wax ka celiyay xiddiga Chelsea N’Golo Kante inuu kooxdiisa hore ee Leicester City uu taageero isagoo xalayto joogay garoonkiisii hore ee King Power Stadium.

Kooxda Dawacooyinka lagu naaneeso ayaa kulan Champions League ah waxa ay la ciyaarayeen Sevilla iyagoo u tartamayay boos wareega 8da ah.

Guul 2-1 oo ay Sevilla soo gaartay lugtii hore ayaa la micno aheyd in Leicester ay ku qasbanaayeen inay gurigooda guul weyn ku gaaraan.

Laakiin goolal ka kala yimid Wes Morgan iyo Marc Albrighton iyo rigoore uu xilli danbe badbaadiyay Kasper Schmeichel ayaa u xaqiijisay guul kale oo taariikhi ah kooxdii sannadkii hore sida lama filaanka aheyd ku hanatay Premier League.

Mana jirin qof ka farxad badnaa Kante kaasoo si weyn loogu amaanay doorkii uu ka ciyaaray hanashadooda Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Xiddiga reer France ayaa lagu yaqaanaa dabeecad xishood ah laakiin waxba ma uusan reebanin xalayto isagoo u dabaaldegay natiijada lama filaanka aheyd.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *