Home » Horyaalada » N’Golo Oo Ka Dhawaajiyey Seddexda Xidig Ee U Qalanta Xidiga Ugu Wanaagsan Sanadka EPL-ka

N’Golo Oo Ka Dhawaajiyey Seddexda Xidig Ee U Qalanta Xidiga Ugu Wanaagsan Sanadka EPL-ka

N’Golo Kante ayaa magacaabay sadex xidig oo uu aaminsan yahay iney si daran ugu qalmaan abaalmarinta xidiga sanadka horyaalka Premier League-ga in ka badan isaga.

Burburiyaha Blues ayaa la aaminsan yahay haatan inuu yahay kan ugu mudan ee loo caleemo saari karo abaalmarinta PFA Player of the Year ee xili ciyaareed walba la bixiyo.

N’Golo Kante wuxuu si layaab leh horyaalka Premier League ugu qaaday Chelsea xagaagii lasoo dhaafay, hadana wuxuu qarka u saaran yahay inuu la hanto Chelsea .

“Waxaa jira ciyaartoy dhawr ah oo u qalma iney ku guuleystaan abaamarinta”

“Waxaa kooxdeyda ku jira Eden Hazard, Diego Costa iyo David Luiz” Ayuu yiri N’Golo Kante oo u waramayay Canal+

Si kastaba Eden isna wuxuu ku raaxeysanayaa waqti qurux badan taasoo keentay in Real Madrid aad loola xiriiriyo, sidoo kalana David Luiz ayaa isna qaab ciyaareed layaab leh soo bandhigay xagaagan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *