Home » Maxaa Cusub » Ole Gunnar Solskjaer Oo Aaminsan In Zlatan Ibrahimovic Uu Hal Sabab Kaliya Kula Sii Joogi Karo Manchester United.

Ole Gunnar Solskjaer Oo Aaminsan In Zlatan Ibrahimovic Uu Hal Sabab Kaliya Kula Sii Joogi Karo Manchester United.

Halyeeygii hore Manchester United iyo qaranka Norway Ole Gunnar Solskjaer ayaa aaminsan in Zlatan Ibrahimovic uu hal sabab  ku joogi karo kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford.

Boqorka Sweden ayaa si wacan ula qabsaday kooxda  Red Devils tan iyo markii uu si xor ah ku yimid xagaagii wuxuu dhaliyay 26-gool dhamaan tartamada oo dhan, balse mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar xan ah oo sheegaya inuu xidigaan isaga tagayo kooxda.

Zlatan wali ma uusan ku dhiiran inuu saxiixo heshiis cusub sidoo kalana uu kooxdiisa u xaqiijiyo inuu sanad ama laba sano kale sii joogayo, balse Solskjaer wuxuu qabaa in Champions League uu yahay tartanka Zlatan ku heyn kara Old Trafford.

“Waxaan rajeyneynaa inaan usoo baxno Champions League xagaaga xiga” Ayuu yiri Ole Gunnar Solskjaer oo la hadlayay Expressen.

“Kadib waxaan rajeynaa in Ibrahimovic uu doonayo inuu ka ciyaaro masraxyada ugu weyn isagoo matalaya kooxda ugu wanaagsan”

“ma jirto koox ka wanaagsan Manchester United oo aad u ciyaari laheyd tartanka Champions League, waa kooxda ugu weyn uguna fiican”

Ugu dambeyntiina Red Devils haatan waxey heysataa laba fursadood oo ay tartanka Champions League-ga kaga soo muuqato, midna waa Europa League oo ay ku guuleysato iyo afarta sare oo ay ku dhameysato.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *