Mesut Ozil ayaa sahaca ka qaaday in uu wicitaan ugu so dhaqaaqay 2013-kii kooxda Arsenal ka dib markii ay taleefoon ay ku wada hadleen macalin Arsene Wenger kaasoo ugu danbeyn dhabarka soo aadiyay kooxda caasimada Spain ka dhisan ee Real Madrid.

Xidigan reer Germany ayaa qirtay in uu goaankaasi uu ka danbeeyay Jose Mourinho oo maamulayey kooxda kaasoo jeclaa in uu xirfadiisa kubada cagta ku qaato kooxda Reer SPain ee Real Madrid.

Si kastaba waqtigaasi ayaa wuxuu ahaa waqti uu heshiiska uu Bernabue kula sugnaa uu soo idlaaday waxaana kooxda markaasi macalin u noqonayey macalin Carlo Anceloti.

Buuga uu ula baxay  ‘Gunning for Greatness’ oo ula jeedo Tawabbar Badasho ayaa wuxuu ku yiri “waxaan ugu magac daray Number iga soo wacay taleefoonkeyga sanadii 2010”

“Mr Wenger, waxaan kuu sheegayaa in aad tahay qofkii ugu horeeyay ee igala hadla arimaha suuqa waxaana tahay qof qadarin mudan”

“Arsene Wenger wuxuu ii sheegay in uu doonayo in aan ka hoos ciyaaro aana la imaado horu mar la taaban karo sidoo kale wuxuu ahaa qof wada sheekeesi dheer dhax maray waqtigaasi”

“Dabcan waa sax Florentino Perez waa laga yaabaa in aan dib ugu laabo kaasoo wada hadal la qaatay aabaheyga, waxeyna noqon doontaa dhacdo kale, balse xaqiiqo ma ahan wali wuu socdaa wada hadalka”