Home » Horyaalada » France League I » Patrice Evra Oo Libaax Caano Siinayo Xili Uu Waqti Fiican Ku Qaadayo Kooxda Marseille

Patrice Evra Oo Libaax Caano Siinayo Xili Uu Waqti Fiican Ku Qaadayo Kooxda Marseille

Daafacii hore ee kooxaha Man United iyo Juventus Patrice Evra ayaa baraha bulshada hadal heyn xoogan ka sameeyay kadib markii lasoo bandhigay asigoo caano siinayo libaax yar!

Patrice Evra ayaa waqti wacan la qaadanayo kooxda Marseille oo uu bilawgii xili cayaareedkan ku biiray wuxuuna markale muujiyay daafacan lugta bidix ku cayaaro in weli bandhigiisa sii joogteen karo.

The France international spent part of his day feeding a lion, posting the video on Instagram

Hadaba Evra ayaa soo bandhigay Video asigoo libaax yar caano siinayo wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkaan “Si taxadir leh u fiiri sida dhaqsiyaha badan ee aan u istaagay marka uu joojiyay cabista caanaha aadbaan u cabsaday”

Evra iyo kooxdiisa Marseille waxay kulan xasaasi ah wajihi doonaan naadiga Bordeaux maalinta axada ah waana kulan labadaan koox guul u baahan yihiin si ay tartanka Europa League xili cayaareedka dambe u cayaaraan waxayna haatan Marseille ku jirtaa kaalinta 5-aad ee horyaalka France ayadoo horyaalkaan sedex kulan ka harsan tahay.

Fadlan hoos ka daawo Video-ga Evra oo libaax yar caano siinayo:

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *