Home » Maxaa Cusub » Paul Pogba Aabihiis Fassou Antoine Wuxuu Geeriyooday Asigoo 79-Sano Jir Ah

Paul Pogba Aabihiis Fassou Antoine Wuxuu Geeriyooday Asigoo 79-Sano Jir Ah

Fassou Antoine oo aabo u ah sedex cayaarahan oo xirfalayaasha kubada cagta ku xamaashaan ayaa geeriyooday asigoo 79-jir ah waxaana ugu caansan caruurtiisa Paul Pogba oo kooxda Man United u cayaaro.

Majalada France kasoo baxdo ee lagu magacaabo Le Parisien ayaa xaqiijisay geerida Paul Pogba aabihiis Fassou Antoine ku timid wuxuuna dhawaanahan la ildarnaa xanuun in mudo ah haayay.

Fassou Antoine waxaa lagu xasuusan doonaa inuu goob joog u ahaa sawirana laga qaaday tartankii Euro 2016 habeen xulka France la cayaareen xulka Switzerland waxaana garab taagnaayeen labadiisa Florentin iyo Mathias halka wiilkiisa kalena Paul u habeenkaas garoonka ku jiray.

Fassou Antoine sedexda wiil ee uu ifka kaga tagay waxay u kala cayaaraan kooxo kala duwan Paul Pogba (Man United), Florentin Pogba (Saint-Etienne) halka Mathias Pogba uu ka tirsan kooxda Sparta Rotterdam ee dalka Holland ka dhisan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *