Home » Horyaalada » Bundesliga » Perisic → Griezmann → Sanchez → Morata & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Perisic → Griezmann → Sanchez → Morata & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez kaas oo 28-jir ah ayaa diyaar u ah inuu kooxdiisa siiyo hal sano, sida ugu dheer oo ay ku cadeyn karaan hamigooda xagaaga suuqa kala iibsiga. (Mirror).

 

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann kaas oo 26-jir ah ayaa dib uga fakari doona qorshaha uu ugu dhaqaaqayo Man United sababtoo ah wuxuu doonayaa Champions League. (The Sun).

 

Tottenham ayaa ku kalsoon iney ilaashan karto 20-jirkeeda qaranka England Dele Alli inkastoo ay xiiseynayaan Real Madrid iyo Manchester City. (Mail)

Alvaro Morata ayaa isaga tagi doona Real Madrid xagaagan hadii kooxda ay iibin weyso Karim Benzema. 24-jirka reer Spain ayaa bartilmaameed u ah kooxda hogaamineysa Premier League-ga ee Chelsea. (Diario Gol).

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa ka dhawaajiyay inuu heegan u yahay mar walba Blues inkastoo uu xiiso ka helay kooxda Inter Milan. (Mirror)

 

Manchester United ayaa diyaarineysa 51 Malyan oo Pound oo ay ka gudbiso xidiga Inter Milan iyo qaranka Croatia Ivan Perisic, 28-jirkaan waxaa sidoo kale doonaya Chelsea. (Gazzetta dello Sport).

Wakiilo ka socda Man United, Arsenal iyo West Brom ayaa daawaday kulankii Benfica iyo Estoril, iyadoo United ay daawaneysay Victor Lindelof. (The Sun)

Arsenal ayaa dalab u gudbin karta xagaagan 22-jirka Schake 04 khadka dhexe kaga ciyaara Leon Goretzka, kaas oo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa. (The Sun)

Inter ayaa dalab u gudbisay macalinka As Roma Luciano Spalletti si uu shaqada kooxda kaga badalo Stefano Pioli. (SportItalia)

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *