Home » Horyaalada » Philippe Coutinho Oo Dab Hor Leh Ku SHiday kooxda Liverpool & Barcelona Oo Ku Faraxsan Hadalkan Soo Yeray

Philippe Coutinho Oo Dab Hor Leh Ku SHiday kooxda Liverpool & Barcelona Oo Ku Faraxsan Hadalkan Soo Yeray

Philippe Coutinho ayaa amaaan kala duldhacay tayada Neymar sidoo kalana wuxuu shaaca ka qaaday inuu farxad dareemaayo marka uu ka garab ciyaarayo xidigaan Barcelona waqtigooda Spain.

Kubad sameeyaha Liverpool ayaa lala xiriirinayay Barcelona iyadoo warbaahinta Spain gaar ahaan kuwa Catalan ay cinwaan uga dhigeen cadadkoodii shalay “Hawlgalkii Coutinh” taas oo ay ku cadeynayaan in Barcelona ay dhamaadka xagaagan u dhaqaaqeyso Coutinho.

Neymar ayaa ka dhawaajiyay todobaadkii hore inuu doonayo in Coutinho uu kusoo biiro Camp Nou, isla markaana uu aaminsan yahay inuu xidigaan si walba ugu haboon yahay Barceona.

“Fiiri, Neymar waa ciyaariyahan weyn sida aan dhamaanteen arki karno” ayuu yiri Coutinho oo la hadlayay warbaahinta.

“Waa qofka go’aamiyay kulamo badan, waa xiddiga uu ku tiirsan yahay qarankeena”

“Waxaan wadajirnay waqti badan tan iyo xiligii da’yarta, kana ciyaaray dhinaciisa, wuxuu si fudud u badali karaa kulanka”

Hadalka Coutinho wuxuu u muuqdaa mid sii xoojinaya inuu qudhiisa jeclaan lahaa inuu ka dhinac ciyaaro Neymar, waxaana walba ay kala cadaan doonaan dhamaadka xagaagan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *