Home » Horyaalada » Pogba “Kante Waxaa Uu Caraaraa 11-ka Boos Ee Kooxda”!!! Sidee?

Pogba “Kante Waxaa Uu Caraaraa 11-ka Boos Ee Kooxda”!!! Sidee?

Xoogweynaha kooxda Chelsea N’Golo Kante wuxu u ciyaaraa sida 11-ka xidiga ay u ciyaaraan oo kale waana mid wanaagsan sida uu qabo xidiga qadka dhaxe Manchester United u maamula ee Paul Pogba.

Xiidgahan reer France ayaa is wajihi doona kulankooda labad ayakoo u u kala ciyaaraya hogaamiyaasha horyaalka premier league iyo united ka dib markii ay isku arkaan gegeda Old Trafford.

Pogba ayaa aaminsan Kante in uu yahay furaha ugu horeeyya ee kooxda Galbeedka London ka timaada taasoo haatan todobo dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier legaue.

Xidiga United qadka dhaxe u maamulaya ayaa la dhacsan shaqada hufan uu qabanayo xidigan.

“Qof walba waa uu ogsoonyahay N’Golo Kante in uu cararo 11-ka boos ay ciyaaraan ciyaaryahanda- waana mida ugu wanaagsan ee la sameeyo” ayuu Pogba u sheegaty Tv-ga kooxda Manchester United.

“kubada si sahlan ayuu ku helaa wuxuuna u ciyaaraa si fudud, markii uu macalinka wax uu u sheego, waxaa uu u sameynayaa sida ugu macquulsan”

“waa mid ka mid ah xidigaha ugu waaweyn xidigaha kooxda Chelsea, waxaa uu sameyaa waxyaabo kala duwan sababtoo ah waa qof daacad ah, markii aad aragto kubada in laga qaatay. waxaa uu soo qaadanayaa seddex ama afar jeer asigoo isticmaalaya awoodiisa”

“waa mid meel walba ka ciyaara, waana xidig Weyn”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *