Home » Maxaa Cusub » Premier League Round Up: Chelsea, Tottenham Iyo Arsenal Oo Guulo Muhiim Ah Gaareen Liverpool Taako Loo Dhigay

Premier League Round Up: Chelsea, Tottenham Iyo Arsenal Oo Guulo Muhiim Ah Gaareen Liverpool Taako Loo Dhigay

Kooxda Chelsea ayaa qaaday talaabo ay ku xaqiijin karto hanashada horyaalka Ingiriiska kadib markii ay 2-1 ku dhaafeen naadiga Man City.

Blues ayaa guushaan qaaliga ah kaga mahad celineyso hogaamiyaheeda Eden Hazard halka Man City goolka qura uu u dhaliyya Sergio Aguero.

Chelsea guusha ay gaartay waxay ka dhigan tahay inay hogaanka EPL ku heyso 7-dhibcood oo nadiif ah ayadoo leh 72-dhibcood waxayna cayaartay 30-kulan.

Kooxda Tottenham ayaa guul soo daahday naadiga Swansea City ka heshay kulan 3-1 kusoo idlaaday waxayna Spurs guushan kaga mahad celinee xidigaheeda Ali, Son iyo Eriksen oo sedexda gool dhaliyeen 90-ka daqiiqo marka cayaarta ku dhawaatay.

Tottenham waxay fadhiyaan booska labaad ee Premier League ayadoo 65-dhibcood leh waxayna 7-dhibcood ka hooseeyaan Chelsea ayagoo cayaareen 30-kulan.

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa iska qasaarisay fursad ay kusii adkeesan kartay booskeeda 3-aad kadib markii ay garoonkeeda Anfield bar bar dhac 2-2 la dhaafi waayeen naadiga Bournemouth waxaana Liverpool la bar bareeyay cayaarta oo 2-daqiiqo ka harsan.

Liverpool haatan waxay leedahay 60-dhibcood ayadoo 31-kulan cayaartay waxayna labo dhibcood ka sareeyaan kooxda Man City oo 29-kulan cayaartay.

Kooxda Arsenal ayaa wada guulaha kusoo laabatay ayadoo 3-0 ku dubatay naadiga West Ham kulan London Derby ahaa.

Waxayna Arsenal goolasha qaybtii labaad ee cayaarta ayadoo goolasha ay u dhaliyeen Ozil, Walcott iyo Giroud waxayna Gunners-ka haatan leeyihiin 54-dhibcood ayagoo usoo dalaceen booska 5-aad waxaana u harsan 2-kulan oo baaqi u ah Arsenal waxayna cayaareen 28-kulan.

Guud ahaan kulamii Premier League la cayaaray iyo natiijooyinka kasoo baxeen hoos kaga bogo:

Arsenal 30 West Ham United
Hull City 42 Middlesbrough
Southampton 31 Crystal Palace
Swansea City 13 Tottenham Hotspur
Chelsea 21 Manchester City
Liverpool 22 AFC Bournemouth

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *