Home » Horyaalada » France League I » PSG Oo Si Awood Leh Ku Xasuuqday As Monaco Markii Afaraadna Ku Guuleysatay Coupe de la Ligue (+Sawiro)

PSG Oo Si Awood Leh Ku Xasuuqday As Monaco Markii Afaraadna Ku Guuleysatay Coupe de la Ligue (+Sawiro)

Paris Saint Germain ayaa si awood leh ku xasuuqday xalay kooxda As Monaco finalka koobka Coupe de la Ligue ee laga ciyaaro dalka France markaas oo ay 4-1 ku xasuuqeen iyadoo lagu ciyaaray kulanka garoonka Parc Olympique Lyonnais.

Waa markii afaraad oo xiriir ah oo ay Paris Saint Germain ku guuleysanayso koobkaan, Monaco ayaana u babac dhigi weysay kooxda difaacan weysay horyaalka Faransiiska markii ay taag u heli waayeen iney xitaa gool ka badan ka dhaliyaan.

Labadaan kooxood waxey mar kale isku wajahi doonaan quarter finalka koobka French Cup iyadoo kooxda uu hogaamiyo Lenaardo Jordim ay hogaaminayaan horyaalka, sadex dhibcood ayey ka horeysaa iyadoo 8-kulan kaliya ay ka harsan tahay xili ciyaareedka.

Julian Draxler ayaa gool ku daah furay bilowgii ciyaarta balse Lemar ayuu jawaab kala kulmay ka hor inta uusan Di Maria dhamaadka qeybta hore ciyaarta hogaanka u soo celin PSG.

Edinson Cavani ayaa laba gool ku silciyay As Monaco waxaana ku jiray gool caaqibo leh oo ay adag tahay inuu xidig walba dhaliyo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *