Home » Maxaa Cusub » Pulis Oo Xaqiijiyay Xiisaha Uu U Qabo Kabtanka Chelsea Ee Terry.

Pulis Oo Xaqiijiyay Xiisaha Uu U Qabo Kabtanka Chelsea Ee Terry.

http://images.performgroup.com/di/library/omnisport/ea/8e/

West Brom ayaa kufakartay inay u dhaqaaqdo soo xiragalinta daafaca kooxda Chelsea ee John Terry marka uu dhaco qandaraaskiisa sanada 2016-17.

John Terry ayaa u muuqday inuu sii dhamaanayo waayahiisa horyaalka Premier League balse Tony Pulis ayaa sheegay inuu lasoo saxiixan doono xidigaan xilli ciyaareedka danbe.

Ciyaaryahankan ka ciyaaro danbeedka dhexe ee garoonka Stamford Bridge ayaa dhacaayo qandaraaskiisa uu kula jiro kooxda, sido kale rajo badan kama qabo in loo kordhin doono heshiiska kooxdiisa hada ee uu hogaamiyo macalinka reer Italy ee Antonio Conte.

West Brom ayaa marhore fiirisay macquul ahaanshaha inay helaan adeege xidigaan lagu magacaabo Terry bishii January laakiin wuxuu u sheegay ninkaan 36 jirkaa inuusan melena uga socon kooxdiisa Chelsea.

Sikastaba ha ahaatee Pulis ayaa markale isku dayi doono inuu keeno ciyaaryahankan kooxda West Brom.

“waan keeni doonaa hadii aan ogolaasho asaga ka helno” ayuu saxaafada u sheegay Pulis.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *