Home » Horyaalada » Qaar Ka Mid Ah Taageerayaasha Arsenal Oo Taageero U Muujiyey Winger & Fariin Jawaab U Muuqatay Oo Dulmartay Hawthorns

Qaar Ka Mid Ah Taageerayaasha Arsenal Oo Taageero U Muujiyey Winger & Fariin Jawaab U Muuqatay Oo Dulmartay Hawthorns

Daqiiqado ka hor ayaan idinla wadaagnay in Jamaahiirta Gunners ay ka dhabeeyeen balan qaadkii ay sameeyeen kal hore kaas oo ahaa iney hawada garoonka Hawthorns soo marinayaan diyaarad xambaarsan fariinta mudooyikii dambe caadada u noqotay ee “No Contract #Wenger Out”.

Lacag dhan 2,600 Pound ayaa ku baxday, waxaana soo abaabulay Jamaahiirta Gunners ee ka gadoodsan joogitanka macalinka reer France ee Arsene Wenger.

Arsenal waxaa hogaanka looga qabtay gool madax ah oo uu dhaliyay Dawson, balse waxaa jawaab qurux badan siiyay Alexis Sanchez oo kubad uu caawiyay Xhaka si aan caadi aheyn u qajilay daafaca West Brom ka hor inta uusan si awood leh kubadda shabaqa u galin.

Marka uu yimid goolka ayey mar kale fariin soo martay hawada sare garoonka Hawthorns waxaana sida sawirka sare idinkaga muuqda ku qornaa. “In Arsene We Trust #Respect” – Waan ku aaminsanahay Arsena #Xushmad”

Waxaad moodaa in Jamaahiirta Gunners aysan u midoobin wali arinka  Arsene Wenger.

Jamaahiirta Arsenal ayaa wali si awood leh u wada ololaha ay kaga soo horjeedaan in tababarahooda reer France Arsene Wenger uu baaqi kusii ahaado kooxda ka dhisan waqooyiga London halkaas oo uu ku sugan yahay ku dhawaad rubuc qarni.

Jamaahiirta Gunners waxey ku bixiyeen ololahaan lacag dhan $2,600 (Laba Kun iyo Lix Boqol Pound), waxaana la balan qaaday in lasoo dulmarin doono garoonka Hawthorns ee ay leedahay kooxda West Bromwich Albion.

Ololahii waa hirgalay daqiiqado kahor ayeyna diyaaradii xambaarsaneed fariinta “No Contract – #Wenger Out” la dulmariyay garoonka, waana fariin wadno qabad ku ah tababaraha faransiiska ah.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *