Home » Maxaa Cusub » Qiimaha Uu Ivan Perisic Ku Imaan Karo Old Trafford Oo La Ogaaday Xilli Inter Milan Ay Eeganeyso Alexis Sanchez.

Qiimaha Uu Ivan Perisic Ku Imaan Karo Old Trafford Oo La Ogaaday Xilli Inter Milan Ay Eeganeyso Alexis Sanchez.

Manchester United ayaa bartilmaameed xoog leh ka dhiganeysa garabka Inter Milan iyo qaranka Croatia Ivan Perisic waxaana la fahamsan yahay inuu Old Trafford ku tagi karo 35 ilaa 40 Malyan oo Euro.

Jose Mourinho ayaa shalay oo Jimco aheyd ka dagay magaalad Zagreb ee dalka Croatia si uu gooni ula kulmo xiddiga Inter Milan kaas oo doonayaba inuu isaga tago San Siro hadii ay Nerazzurri ku fashilanto iney soo tiigsato Champions League xili ciyaareedka soo aadan.

Shabakadda caalamiga ah ee Goal ayaa fahantay in Perisic uu ku qasbanaan doono inuu usoo guuro Premier League-ga hadii kooxdiisa aysan soo aadin yurub inkastoo heshiiska uu kula jiro Inter Milan uu ku egyahay 2020.

Si kastaba Manchester United waxey u baahan tahay ugu yaraan 40 Malyan oo Euro si ay xidigaan u iibsato madama uu heshiis waqti dheer ku jiro.

Sidoo kale xidigii hore Wolfsburg waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League-ga ee Chelsea.

Dhanka kale Inter Milan ayaa durba sameysatay liis xidigo ah oo ay midkood ku badali doonto Perisic hadii uu isaga tago Serie A-da, waxaana ku jira liiskaan Alexis Sanchez [Arsenal], Federico Bernardeschi [Fiorentina] iyo wiilka Sassoulo – Domenico Berardi.

Ugu dambeyntiina Jose Mourinho wuxuu sidoo kale isha ku hayaa xidiga ku dhibaateysan garoonka San Siro ee Marcelo Brozovic.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *