Home » Horyaalada » La Liga Spain » RASMI: Barcelona Oo Bayaan Caro Leh Kasoo Saartay Ganaaxii Ay FIFA Duldhigtay Lionel Messi.

RASMI: Barcelona Oo Bayaan Caro Leh Kasoo Saartay Ganaaxii Ay FIFA Duldhigtay Lionel Messi.

Barcelona ayaa soo saartay warbixin ay ku cadeyneyso sida ay kaga carootay ganaaxa afarta kulan ee la duldhigay Lionel Messi xilli uu matalayay qarankiisa.

Leo waxaa lagu ganaaxay inuu aflagaado u geystay calanwadaha kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen qaranka Chile kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka isbuucaan.

Ganaaxa waxaa lagu dhawaaqay saacado ka hor kulanka ay Argentina xalay guuldarada kala kulantay Bolivia ciyaar ka tirsan isla isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America.

Xaalka Argentina ayaa loo cabsanayaa iyadoo Edgardo Bauza ay wiilashiisa muujiyeen sida aysan uga maarmin xidiga shanta jeer heysta abaaalmarinta Ballon d’Or madama ay guuldaro xambaareen.

Gerard Pique oo ka tirsan Barcelona ayaa ku tilmaamay wax laga caroodo ganaaxa Lionel Messi kaas oo aan wali la heynin cadeymo qof walba uu ku qanci karo.

“FC Barcelona waxey layaab iyo caro ka muujineysaa ganaaxa ka yimid xafiiska guddiga anshaxa ee FIFA kaas oo ay ku xanibeen ciyaariyahan Lionel Messi kadib kulankii isreeb-reebka koobka Aduunka ee dhexmaray Argentina iyo Chile” ayey u qorneed warbixintii ay soo saareen Barcelona.

“Kooxda waxey u tixgelineysaa ganaaxa afarta kulan ah ee la duldhigay Lionel Messi mid cadaalad darro ah oo aan sinaba u aheyn mid munaasab ah”

“Ugu dambeyntii FC Barcelona waxey rajeyneysaa iney ku celceliso taageerada Lionel Messi, tusaale ayeyna u tahay ciyaartoyda dhaqankiis gudaha iyo banaanka garoonka”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *