Home » Horyaalada » Bundesliga » RASMI: Bayern Munich Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xidigii Olympique Lyonnais Ee Corentin Tolisso Iyada Oo Ka Dulqaaday Kooxaha Premier Leaque-ga Iyo Serie A.

RASMI: Bayern Munich Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xidigii Olympique Lyonnais Ee Corentin Tolisso Iyada Oo Ka Dulqaaday Kooxaha Premier Leaque-ga Iyo Serie A.

Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay heshiiska xidigii khadka dhexe ee kooxda Lyon ee  Corentin Tolisso kaas oo ay ka dulqaaday kooxaha ugu waa wayn horyaalada Premier Leaque-ga iyo Serie A.

Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa Bavaria ayaa guul wayn ka soo hooyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kadib markii ay ku dhawaaqeen in  Corentin Tolisso uu noqday ciyaartoy Bayern Munich ah waxayna kooxda Allianz Arena ka dhisani xidigan kula soo wareegtay 37 milyan oo euros.

Kooxaha Premier Leaque-ga oo ay ugu horayso Chelsea si la mdi ah kooxaha Juventus, AC Milan iyo Napoli ayaa dhamaantood doonayay in ay Lyon kala soo wareegaan 22 jirkan  Corentin Tolisso laakiin Bayern Munich ayaa ku guulaysatay saxiixa xidigan sida wayn loo qiimeeyo.

Todobaadkii hore ayaanu idiin soo gudbinay in kooxda Bayern Munich ay telefoon si toos ah ugula xidhiidhay madax waynaha Lyon waxayna ugu danbayn Bayern Munich hadda soo bandhigtay  Corentin Tolisso oo xidhan maaliyada kooxdeeda wuxuuna qalinka ku duugay heshiis shan sano ah.

Corentin Tolisso ayaa markii uu qalinka ku duugay heshiiskiisa Bayern Munich yidhi: “Maanta aniga waxay ii tahay maalin aad u wayn, waxaan naftayda ka diyaarsaday hadafkayga Bayern Munich”.

Corentin Tolisso ayaa kooxdiisii Lyon xili ciyaareedkii dhamaaday u soo ciyaaray 47 kulan wuxuuna u soo dhaliyay 14 gool inkasta oo uu khadka dhexe ka ciyaarayay wuxuuna sidoo kale soo caawiyay 7 gool taas oo ka dhigaysa in uu ku lug lahaa 21 gool.

Qoraal rasmi ah oo Bayern Munich ka soo baxay ayaa lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Bayern Munich waxay la soo saxiixatay xidigii khadka dhexe ee Olympique Lyonnais ee Corentin Tolisso.  22 jirkan heerka caalami ee xulka qaranka France waxa uu qalinka ku duugay heshiis shan sanadood ah wuxuuna ugu soo biiray heshiis rekoodh ku ah kooxda Championska Germany”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *