Home » Latin America » RASMI: Brazil Oo Noqday Xulkii Ugu Horeeyay Ee Usoo Baxa Koobka Aduunka 2018 & Peru Oo Gacan Weyn Siiyay.

RASMI: Brazil Oo Noqday Xulkii Ugu Horeeyay Ee Usoo Baxa Koobka Aduunka 2018 & Peru Oo Gacan Weyn Siiyay.

Xulka qaranka Brazil ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee xaqiijiya iney usoo baxeen koobka Aduunka 2018 ee sanadka soo aadan lagu qaban doono Russia waxeyna kaga mahad celinayaan wiilasha Peru kuwaas oo dharbaaxo kulul ku dhuftay Uruguay.

Neymar Junior ayaa dhaliyay goolkiisii 52-aad ee xulkiisa Brazil kulan ay Jaalayaasha ku dhaafeen 3-0 xulka Paraguay, balse hogaamiyayaasha waxaa aad u saaciday natiijada kulankii Peru iyo Uruguay.

9-kulan ayaan laga adkaan wiilasha macalin Tite tan iyo sanadkii hore markaas oo ay, waxeyna haatan ku wehlinayaan Russia xulalka huba iney ka qeyb galayaan dhacdada koobka Aduunka ee bartamaha sanadka soo aadan la isugu imaan doono dhulka qabow.

Afar wareeg [Afar kulan] ayaa ka hartay isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America, waxeyna haatan 11-ka sareeyaan Argentina kuwaas oo haatan jooga booska [Play-offska] waxeyna bisha August wajahi doonaan Uruguay taasoo qeexi karta in Brazil ay xaqiiqsatay booskeeda koobka Aduunka.

Miyey Brazil Ciyaareysaa kulamada u haray?

Haa wey ciyaari doontaa afarta kulan ee u haray sida sharciga ah, balse wey xaqiijiyeen iney usoo baxeen koobka Aduunka, August ayeyna ciyaari doonaan kulan ugu soo horeeya markaas oo ay qaabili doonaan Ecuador.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *