Home » Maxaa Cusub » RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleystay Xiddiga Ugu Wanaagsan Aduunka Sanadka 2016, Ayaase Bixiya Abaalmarintaan?

RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleystay Xiddiga Ugu Wanaagsan Aduunka Sanadka 2016, Ayaase Bixiya Abaalmarintaan?

Taageerayaasha Forza Football ayaa u codeeyay Cristiano Ronaldo inuu yahay xiddiga sannadka adduunka isagoo ka hormaray dhigiisa Barcelona Lionel Messi iyo Atletico Madrid Antoine Griezmann iyadoo ay codeeyeen 350 kun taageerayaal oo daafaha dunida kala jooga.

Waxaa xiisaha leh in dadka isticmaala Forza Football inay seddexda ciyaartoy ee ugu sareysay u codeeyeen seddexda ciyaartoy ee isagu soo hartay tartanka abaalmarinta FIFA ee The Best.

Waxaa kaalimaha afaraad shanaad iyo lixaad soo kala galay Luis Suarez, Neymar iyo Gareth Bale.

cr7

Dabcan, Forza Football kaliya ma ahan abaalmarinta xiddiga sannadka ee uu Ronaldo ugu cadcad yahay ku guuleysigeeda iyadoo sidoo kale uu ku cadcad yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta xiddiga sannadka FIFA iyo abaalmarinta France Football ee Ballon d’Or.

Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Sareeyay Codeynta:

1. Cristiano Ronaldo – 38.5%

2. Lionel Messi –  22.2%

3. Antione Griezmann – 12.1%

4. Luis Suárez – 5.75%

5. Neymar Junior– 4.52%

6. Gareth Bale – 4.46%

7. Kevin De Bruyne – 4.3%

8. Robert Lewandowski – 3.6%

9. Manuel Neuer – 2.3%

10. Sergio Kun Agüero – 2.2%

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *