Home » Europe » RASMI: Liiska Musharaxiinta U Tartami Doona Abaalmarinta Xidiga Xili Ciyaareedka Premier League Oo Lasoo Saaray.

RASMI: Liiska Musharaxiinta U Tartami Doona Abaalmarinta Xidiga Xili Ciyaareedka Premier League Oo Lasoo Saaray.

Abaalmarinta xiddiga bisha horyaalka Premier League oo ay bixiyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta ayaa lasoo saaray waxaana hogaaminaya laba ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiisan kooxda u sharaxan iney ku guuleysato Premier League ee Chelsea.

N’Golo Kante iyo Eden Hazard ayaa ka mid ah liiska ciyaartoyda lixda ah ee u sharaxan iney ku guuleystaan abbaalmarintaan waxaana ku wehliya weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez kaas oo ka mid ah xidigaha u tartamaya gooldhalinta horyaalka.

Dhanka kale weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic kaas oo 17-gool dhaliyay xilli ciyaareedkaan ayaa kasoo muuqday liiska, waana wax uusan qofna fileyn in 35-jir ku sugan horyaalka Premier League uu sidaas ugu lug yeesho horyaalkaan.

Hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka Premier League Romelu Lukaku kaas oo 23-jir ah ayaa ku jira liiska kaas oo sidoo kale 6-caawinaad ah sameeyay.

Ma jiro xidig ka muhiimsan Harry Kane oo u ciyaara Tottenham Hotspur, 19-gool ayuu dhaliyay 24-kulan oo uu ciyaaray isagoo inta badan dhaawac kaga maqnaa kooxda.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *