Home » Horyaalada » italian Serie A » RASMi: Paulo Dybala Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Juventus, Quusna Istaajiyay Barcelona & Real Madrid

RASMi: Paulo Dybala Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Juventus, Quusna Istaajiyay Barcelona & Real Madrid

Weeraryahanka da’da yar ee Juventus Paulo Dybala ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Juventus isagoo kusii sugnaan doona magaalada Turin ilaa 2022, wuxuuna kordhiyay mudada uu joogayo kooxda ee kasoo bilaabatay July 2015.

Paulo Dybala sadex koob ayuu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxda la qaaday sidoo kalana 23-gool ayuu dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan.

Juventus ayaa website-keeda gaarka ah u xaqiijisay in ciyaariyahanka reer Argentina uu heshiis cusub saxiixay isla markaana uu sanadii ka qaadan doono 7 Malyan Oo Pound.

“Waxaan mar walba doonayaa inaan ku guuleysto wax walba oo aan sameeyo, waana ogahay in Juventus ay tahay meesha ugu fiican ee la joogo hadiiba aan doonayo inaan ku guuleysto waxyaabahaas” ayuu yiri Dybala.

Tan iyo markii uu goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Juventus kulankiisii ugu horeeyay ee Italian Super Cup-kii ka dhacay Shanghai August 2015, wuxuu xidigaan abuuray 137-fursadood, 178-jiidid oo dhamesytiran ayuu sameeyay, halka uu 39-gool dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan, sidoo kalana tan iyo imaatinkiisa waxaa ka safasho badan kaliya Bonucci iyo Buffon.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *