Home » Europe » Champions League » RASMI: Xiddiga Aadka Loo Qiimeeyo Ee Real Madrid Martin Odegaard Oo Amaah Ku Baxay.

RASMI: Xiddiga Aadka Loo Qiimeeyo Ee Real Madrid Martin Odegaard Oo Amaah Ku Baxay.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Martin Odegaard ayaa heshiis amaah ah ugu biiraya kooxda reer Holland ee SC Heerenveen, sida ay xaqiijisay kooxda reer Netherlands.

Warbixin ay soo dhigeen website-kooda, kooxda Eredivisie ka dhisan ayaa shaaca ka qaaday in 18 jirkaan reer Norway saxaafada la soo bandhigi doono 1:30pm Saacada Geeska Afrika maanta.

Warbixinta ay kooxda soo saartay laguma sheegin inta uu le eg yahay heshiiska amaahda ee Odegaard laakiin waxaa la rumeysan yahay inay tahay ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Real Madrid ayaa xiddigaan kala soo wareegtay kooxda Stromsgodset bishii Janaayo 2015 isagoo markaas ahaa 16 sanno jir ah waxaana uu noqday xiddigii ugu da’da yaraa Los Blancos abid ee ciyaaraya La Liga kulankii Getafe afar bilood ka dib saxiixiisa.

Laakiin waxa uu inta badan u ciyaarayay kooxaha juunyeerka Real Madrid iyadoo aysan muuqan saansaan uu kaga mid noqon karo kooxda koowaad, waxaana xiddiga reer Norway amaah loogu diray inuu qibrad soo yeesho.

Ka dib markii uu burburay heshiis amaah ah uu ugu wareegi lahaa kooxda Faransiiska ee Rennes, Odegaard waxaa lala xiriiriyay Ajax laakiin waxaa saxiixiisa amaahda ku guuleysata Heerenveen.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *