Home » Featured » Real Madrid Hal Arin Oo Kaliya Ayaa Ku Qasbi Karto Real Madrid Inay Kylian Mbappe Xagaagan Lasoo Saxiixdaan

Real Madrid Hal Arin Oo Kaliya Ayaa Ku Qasbi Karto Real Madrid Inay Kylian Mbappe Xagaagan Lasoo Saxiixdaan

 

Cayaaryahan Kylian Mbappe waxaa la sheegay inuu kooxdiisa AS Monaco isaga hayaami doono inta uu suuqa Yurub xagaagan furan yahay.

Inta badan Kylian Mbappe waxaa lala xariiriyaa inuu kooxda Real Madrid ku biiri doono weliba warbaahinta Spain todobaadkii hore waxay sheegtay in Madrid xidigaan 180-milyan oo euro ah kusoo qaadaneyso.

Hadaba Daily Star ayaa sheegtay in Real Madrid kaliya Kylian Mbappe lasoo saxiixan doonto hadii Grathe Bale uu gacanteeda ka baxsado.

Balse ayaa dhawaan ku hanjabay inuu Real Madrid isaga tagi doono hadii macalin Zidane uusan u cadeynin doorkiisa Bernabue.

Real Madrid ayaa ka walaacsan talaabada uu Bale qaadi doono sidaa darteed laacibka reer Wales hadii uu dalbado in la fasaxo Real waxay lacag walbo ku bixin doontaa soo xero galinta Kylian Mbappe.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *