Home » Europe » Real Madrid Iyo Barcelona Oo Wada Xiisaynaya xidig Ka Tirsan Kooxda Juventus.

Real Madrid Iyo Barcelona Oo Wada Xiisaynaya xidig Ka Tirsan Kooxda Juventus.

Real Madrid iyo Baecelona ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dagaalami doonaan xagaaga saxiixa Juventu weeraryahankeeda Paulo Dybala kadib markii ay Bayern Munichen isaga hartay baacsiga xidigan.

 

23-jirkaan afka hore kaga ciyaara ayaa kamid ahaa ciyaaryahanada aadka looga hadal hayo suuqa kala iibsiga, inkastoo Juventus ay kalsooni ku qabto in xidigani uu ku dhawyahay saxiixidda heshiis cusub oo uu Turin kusii sheegayo.

Paulo Dybala: Wanted by Barcelona and Real Madrid

Wargayska Mundo Deportivo, oo soo xiganaysa Calcio Mercato, ayaa ku warramaysa in kooxaha ugu waaween LA Liga ay isku garbinayaan saxiixa xidigan aadka u wanaagsan.

 

Si kastaba ha ahaatee, halka koox, taas oo aan eryaneen xidigan ay tahay Bayern, halka tababaraheeda Carlo Ancelotti, uu ku warramayo in Dybala  uu yahay ciyaaryahan aad u fiican in laga hadlo dalabkiisana ay tahay quraafaad.

 

Xidigan reer Argentine, kaas oo lala xiriirinayay Manchester United iyo Chelsea, uu dhaliyay 14-gool kadib 33-kulan uu Bianconeri u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *