Home » Horyaalada » Real Madrid Oo 1-Malyan Euro Siin Doonta Malaga Hadii Ay Ku Guuleystaan Horyaalka La Liga – Sabab?

Real Madrid Oo 1-Malyan Euro Siin Doonta Malaga Hadii Ay Ku Guuleystaan Horyaalka La Liga – Sabab?

Real Madrid ayaa bixin doonta lacag dhan 1 Malyan oo Euro hadii ay ku guuleystaan La Liga iyagoo siin doona kooxda ay kulanka ugu dambeeya wajahayaan ee Malaga.

Qiimha ay Real Madrid ku iibsatay wiilka tayada wanaagsan ee Isco Alcaron sanadkii 2013 wuxuu ahaa 27 Malyan oo Euro, balse sida warbixinada sheegayaan waxaa heshiiskaas ku jirtay lacago gunno ah oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa, heshiiska waxaa ka mid ahaa hadii shantisia sano ee ugu horeysa kooxda uu horyaal kula guuleysto – halkii horyaal iney Madrid ku bixin doonto 1 Malyan oo Euro.

Madrid laba jeer ayey hanatay Champions Legue tan iyo markii uu kusoo biiray Isco, balse kuma guuleysan La Liga, sidaas darteed wali lacago gunno ah ma helin Malaga.

 

Si kastaba Zidane ayaa u muuqda mid gacanta ku dhigi kara horyaalka La Liga madama uu u baahan yahay kaliya 1-dhibic marka ay wajahaan Malaga Axadda kulanka ugu dambeeya horyalka.

Malaga waxey 2-0 ku dubatay Barcelona bishii April ee kal hore iyadoo kulankaas uu tababaraha Malaga Michel sheegay in Madrid ay noqon doonto kooxda ku guuleysata horyaalka.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *