Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Balan Qaaday Iney Jawaab Cad Gerard Pique Ku Siin Doonto Kulanka El-Clasico – Miyey Sharciga La Tiigsan Doontaa?

Real Madrid Oo Balan Qaaday Iney Jawaab Cad Gerard Pique Ku Siin Doonto Kulanka El-Clasico – Miyey Sharciga La Tiigsan Doontaa?

Real Madrid ayaa go’aansatay iney hab maamuuska ugu fiican ugu jawaabto daafaca mixnadda ah ee Gerard Pique kaas oo hadalo ku xanuujiyay kooxda boqortooyada, mana jiri doonto iney sharciga la tiigsadaan xidiga Barcelona sida ay isku raaceen waaxda sharciyada ee kooxda.

Daafaca reer Catalonia wuxuu si xun u weeraray Madrid isagoo halqabsi ka dhiganaya qareenka dowladda ee Marta Silva Sapuerta ayuu sheegay in VIP-da Santiago ay soo fariistaan kuwa mixnadda ku ah kiisaska Messi iyo Neymar iyagoo iska indho tiray Cristiano Ronaldo, waxeyna aheyd arin aad u gilgishay gudaha Spain.

Miyey Madrid Sharciga La Tiigsaneysaa?

Maya! lama tiigsan doonaan, waaxda sharciga ayaa daraaseeyay hadalada Pique, balse waxey go’aansadeen ineysan qaadin wax talaabo ah oo dhanka sharciga ah isla markaana ay kooxda ka aamusto.

“Waxaan Ugu Jawaabi Doonaa Garoonka”

Si kastaba kooxda ayaa fariin cad u dirtay daafacii hore Manchester United waxeyna u sheegeen in 23-ka April ay ugu jawaabi doonaan garoonka Santiago.

“Jawaab celinta ugu fiican waxey ahaan doontaa El Clasico 23-ka Aprul, sababtoo ah Madrid mar walba waxey ku hadashaa garoonka dhexdiisa”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *