Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Hogaanka La Ligaha Dib Usoo Ceshatay Xili Alvaro Morata Sedexleey Taariikhi Ah Dhaliyay

Real Madrid Oo Hogaanka La Ligaha Dib Usoo Ceshatay Xili Alvaro Morata Sedexleey Taariikhi Ah Dhaliyay

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka heshay naadiga Leganes cayaar 4-2 kusoo idlaatay una suura galisay wiilasha Zidane inay hogaanka La Ligaha Spain dib usoo ceshtaan.

Kulankaan hadal heyntiisa waxaa la wareegay Alvaro Morata oo labo jeer shabaqa soo taabtay sidoo kalena masuuliyada hogaanka weerarka Madrid la wareegay madaama cayaartan Ronaldo iyo Bale ka qayb qaadanin halka Benzema kursiga keydka fadhiyay.

Real Madrid waxaa hogaanka u dhiigay James Rodriguez daqiiqadii 15-aad kadib waxaa labo gool raacsaday Alvaro Morata daqiiqadaha 18-aad iyo 23-aad.

Balse wiilasha Zidane dayacaad xoog leh ayay sameeyeen qaybtii hore ee cayaarta waxayna u ogaaleedn naadiga Leganes inay kulanka dib ugu soo laabato madaama shabaqa Madrid labo gool lagu hubsaday.

Macalin Zidane ayaa xidigahiisa lasoo dar daarmay qaybtii labaad ee cayaarta waxaana kulankan Real Madrid culeeska ka qaaday Alvaro Morata oo 4-2 ka dhigay daqiiqadii 48-aad.

Alvaro Morata wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee Spanish ah kaasi oo Real Madrid sedexleey u dhaliyo La Ligaha Spain tan iyo sanadii 2009 xili uu markaas Hat Trick dhaliyay halyee Raul.

Real Madrid ayaa guusha ku qaadatay 4-2 sidoo kalena waxay dib kaga soo ceshteen hogaanka La Ligaha kooxda Barcelona waxayna Madrid haatan ka sareeyaan kooxda ay xifaaltamaan 2-dhibcood.

Real Madrid waxay leedahay 71-dhibcood ayadoo cayaartay 29-kulan halka Barcelona ay leedahay 69-dhibcood waxayna cayaarta 30-kulan waxaana muuqato in loolanka hanashada La Ligaha sii socon doono.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *