Home » Horyaalada » Bundesliga » Real Madrid oo ka careysiisay Barcelona xilli labadaan kooxood isku heystaan xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga

Real Madrid oo ka careysiisay Barcelona xilli labadaan kooxood isku heystaan xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga

 

Real Madrid ayaa ka careysiisay kooxda ay ku xifaaltamaan kulanka El Clasico ee Barcelona ka dib markii ay kula soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Ousmane Dembele.

Shabakadda Diario Gol ee dalka Spain iyo wargeyska Daily Mirror ee dalka Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday inay Los Blancos isha ku heyso saxiixa garabka kooxda Borussia Dortmund Ousmane Dembele.

Real Madrid ayaa 20 sanno jirkaan u dhalatay dalka France waxay u aragtaa bedelka Cristiano Ronaldo, kaasoo caddeeyey in dowladda Spain ay ula dhaqantay sida dambiile oo keliya ka dib markii xiddiga Los Merengues lagu soo eedeeyey inuu adduun lacageed dhan 14.7 milyan oo ginni oo canshuur ah ka lunsaday dowladda Isbaanishka.

Dembele ayaa xilli ciyaareed wanaagsan ku qaatay horyaalka Bundesliga, taasi waxay keentay inay saxiixiisa xiiso u muujiyaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. Balse Catalans waxay ka careysan tahay inay Los Blancos ku qabsaneyso saxiixa xiddigii ay aadaba.

Qandaraaska Ousmane Dembele ayaa waxaa lagu burburin karaa 90 milyan oo euros.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *