Home » Horyaalada » La liga » Real Madrid Oo La Sheegay Inay Sergio Aguero Lacagihii ay ku qaadan laheed Man City kula heshiisay!

Real Madrid Oo La Sheegay Inay Sergio Aguero Lacagihii ay ku qaadan laheed Man City kula heshiisay!


Sergio Aguero-1502166

Inkastoo maalmo ka hor kooxda Man City ay beenisay in weerrayahankeeda dahabiga ay ka iibin doonto kooxaha Barcelona ama Real Madrid midkood hadana sir qarsooneed ayaa daaha laga qaaday madaama la ogaaday in Man City iyo Real Madrid ay ku heshiiyeen qiimaha Sergio Aguero waxaana lagu wadaa weeraryahankan shabaqa saaxiibka la ah inuu garoonka Bernabue sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqo wararka ayaa intaas ku daraayo in Madrid ay dhigeeda City ku wareejin doonto aduun lacageed oo gaarayo £60M, tani ayaa ka dhigan in labo laabo lacagtii Man City labo sano ka hor ay kooxda At. Madrid kaga soo iibsatay ay haatan Madrid ku qaadan doonto.

Real Madrid mudo dheer ayay Aguero ku raad joogtay waxayna go’aansatay inay xidigan dib ugu soo celiso caasimada Spain madaama markii uu Atletico Madrid joogay ay Real ku guul dareesatay saxiixiisa balse markan Madrid lacago xoog leh ayay ku qarash garen doontaa saxiixiisa, macalin Carlo Ancelotti ayaa gudoomiyaha Real Madrid Mr. Florentino Perez ka dalbaday in Luis Suarez ama Sergio Aguero midkood loo soo iibiyo madaama Liverpool ay ka madax adeygeso inay Suarez fasaxdo waxaa Madrid u sahlanaatay inay Aguero gacanta kusoo dhigto madaama Man City ay heesato weeraryahano tiro badan oo booskiisa buuxin karaan inkastoo hadal heyntan ku aadan inay Real Madrid iyo Man City ku wada heshiiyeen arinta Aguero hadana ma jirto labada dhinac koox aqbaartan beenisay ama rumeesay.


Waxaa Aqrisay: (1585)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>