Home » Horyaalada » Real Madrid Oo Weyn Doonta Ronaldo Iyo Bale Kulanka Caawa Ay Ciyaari Doonto +Sababta

Real Madrid Oo Weyn Doonta Ronaldo Iyo Bale Kulanka Caawa Ay Ciyaari Doonto +Sababta

Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale ayaa la filayaa in ay ka wada maqnaadan kooxda Real Madrid kulanka ay caawa la ciyaari doonto Leganes sida ay kooxda Real Madrid ku dhawaaqday.

Waxaa ay qabaan kaarar jaala ah oo ay u buuxsantay shanta kaar ee sharciga ah kulankii ay ciyaareen todobaadkan inkastoo Zinedine Zidane uu cadaadis la kulmi doono kulanka Barcelona ay la ciyaari doonto Sevilla isla caawa kaasoo ka cabsi qaba in uu guuldareysto.

 

Si kastaba wali waxaa ay hogaanka u hayaan horyaalka kuwaasoo soo fadhisian doono kaalinta labaad hadii ay guuldareystaan kulanka caawa maadama Ronaldo iyo Bale ay ka wada maqanyihiin kooxda.

Zidane ayaa laga dhawrayaa xidiga uu usoo magacaawi doono badalka labadaasi xidig halka Toni Kroos uusan ku jirin xidiga usoo safray garoonka Leganes.

dhanka kale xidiga kaliya ee kooxda dhaawaca kaga maqan waa ciyaaryahanka daafac danbe ka ciyaara ee Raphael Varane kaasoo dhaawac soo gaaray kulankii ay Deportivo Alaves la ciyaareen maalintii sabtida ahayd.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *