Home » Horyaalada » Real Madrid Way Ku Guuleysan Kartaa La Liga Iyo Champions League. Hadaba Yaa Yir Hadalkan?

Real Madrid Way Ku Guuleysan Kartaa La Liga Iyo Champions League. Hadaba Yaa Yir Hadalkan?

Isco oo ah xidig qadka dhexe u maareya kooxda Real Madrid ayaa rajo wanaagsan u muujiyey kooxdiisa Los Balances inay xagaagan ku guuleysan karaan horyaalka dalka Spain ee La Liga iyo koobka kooxaha qaarada Yurub ee Champions league.

Isco ayaa rumeysan in Real Madrid ay heysato fursad ay labaaleey  koobab ah ku hanan karto dhamaadka xilli ciyaaredkan uguna baaqay ciyaartoyda kooxda iyo maamula Madrid inay u midoobaan sidii ay kaga dhabeyn lahaayeen hamigooda ah inay sanadkana isla qaadan horyaalka la liga iyo tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa ku hungoowday inay hanato horyaalka La Liga tan iti wixii ka danbeeyey xilli ciyaareedkii 2012-kii xiligaasoo uu kooxda majaraha u haayeey Macalin reer Portugal ee Jose Mourinho.

Kooxdan ka dhisan caasimada dalka Spain ayaa xagaan sidoo kale rajo weyn ka qabta inay difacato tartanka kooxaha horyaalada Yurub oo ee champions League iyadooda hada joogta wareega sided dhamaadka tartankan waxay wajihi doonaa kooxda xoog weynta dalka Germany ee Bayern Munich.

Laacibkan  qadka dhexe ku wanaagsan ayaa raba inuukula dabaal dago kooxdiisa Real hanashada koobka Yurub iyo kan dalka Spain ee La Liga waloow ay jiraan warar lisla dhexmaraayo oo sheegaya I Isco uu qorsheynaayo dhamaadka xagaagn inuu iga tago kooxda Real Madrid.

“Waxan ku jirnaa haatan xilli ciyaareed wanagsan inagoona soo bandhingnay qaab ciyaareed aad u sareeya waxan heysanaa fursad aan kaga dhabeyn karno himilooyinkeena,; ayuu Isco u shegay majaladaMarca.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *