Home » Europe » Champions League » “Real Waxaa Ay Ku Guuleysan Doontaa UCL Iyo La Liga” Isco Oo Sidaa Aaminsan & Wararka Sheegaya In Uu Heshiis Cusub U Saxiixi Doono Real Madrid

“Real Waxaa Ay Ku Guuleysan Doontaa UCL Iyo La Liga” Isco Oo Sidaa Aaminsan & Wararka Sheegaya In Uu Heshiis Cusub U Saxiixi Doono Real Madrid

Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa waxaa ay sheegayaan in Isco uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub uu qalinka ugu duugo kooxda Real Madrid kaasoo niyad ahaantiisa ku qanacsan in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Isco ayaa ku faraxsan guushii ay xalay gaareen kaasoo gacan weyn ka geystay ciyaartii xalay ay Bayern 4-2 kaga adkaadeen wuxuuna aaminsanyahay xidigan in Los Blancos ay hanan doonto tartanka qaarada yurub loogu jecelyahay ee Champions league iyo sidoo kale horyaalka La Liga oo ay haatan hogaanka u hayaan.

Sidoo kale Zinedine Zidane ayaa jecleesnaya xidigan in uu baaqi kusiii ahaado caasimada dalka Spain ee Madrid balse ma jirto xaqiiqo ah in uu daqiiqad walba ee ciyaarta in uu ciyaari dono kaasoo la aaminsanyahay Macalin Zidane in uu la dhacsanyahay hab ciyaareydka xidigan.

“Waanu Isku Xeranahay” ayuu yiri xidigan heerka caalami ee Isco ka dib ciyaartii Bayern Munich ay ka adkaadeen.

“horane waan u sheegay waxaan doonayaa in aan muddo halkaan baaqi kusii ahado si aan ula guuleysto tartamo kala duwan”

“Ani ahaanteyda waxaan aaminsanahay Real in ay ku guuleysan karto Tartamada Champions league iyo horyaalka La Liga”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *