Home » Horyaalada » La Liga Spain » Saadaal La Sameeyay Oo Lagu Ogaaday In Real Madrid Ay Ku Guuleysaneyso Horyaalka La Liga.

Saadaal La Sameeyay Oo Lagu Ogaaday In Real Madrid Ay Ku Guuleysaneyso Horyaalka La Liga.

Tartanka horyaalka La Liga inaan la isku daalin ayuu qabaa website-ka Fivethirtyeight la yiraahdo ee laga leeyahay dalka mareykanka ayaa sameeya mar walba [Sadaal] jilitaan ah habka ay kooxaha natiijoyinka u heli karan kulamada haray, waxeyna ka qeyb qaatay in ka badan 10,000 kun taasoo keentay iney 54% isku raaceen in Real Madrid ay hanaatay horyaalka, halka Barcelona ay heli karto 44%.

Taxliilkaan la sameeyay wuxuu muujinayaa in Real Madrid ay 10-ka kulan oo u haray ka heli doonto 21-dhibcood halka Barcelona ay 9-ka kulan ee u harsan ka heli doonto 22-dhibcood, (-dhibic) iney horyaalka ku qaadi karto Real Madrid.

Sidoo kale Fivethirtyeight waxey sameeyeen habka ay kooxaha u kala horeeyaan sida ka muuqan karta sawirka, Atletico Madrid ayaa booska sadexaad istaagi karta halka Sevilla ay ka dhigeen kooxda ugu dambeysa ee fursadda u heli karta Champions League.

Osasuna, Granada iyo Sporting Gijon ayey u rajeynayaan iney u dhacaan heerka labaad waa sida lagu sheegay warbixinta la dhiraandhiriyay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *